Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku uu door muuqda ka qaatay nabadaynta, mideynta bulshada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isaga oo si gaar ah tacsi ugu diray ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka Jubbaland ee uu ka baxay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay in uu Marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdows, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka tagay.
Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad ugu jiray.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa isna tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, madaxda iyo shacabka Jubbaland. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in geerida Marxuumku tahay mid weyn oo shacabka Soomaaliyeed saameysay, isaga oo Alle uga baryay in uu Marxuumka ku manaysto Jannatul Firdows, samirna uu ka siiyo qoyska iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
