Ciidamada Kumaandooska Danab, kuwa Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa si guul leh u fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay tuulada Maqooqaha, oo qiyaastii 13km galbeed kaga beegan deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose.
Howlgalka oo bartilmaameedkiisu ahaa xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab, ayaa lagu dilay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal sare. Saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in magacyada iyo faahfaahinta horjoogeyaasha la dilay si rasmi ah dib loogu soo bandhigi doono.
Warka kasoo baxay saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaa lagu sheegay:
“Tani waa caddeyn dhab ah oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay Dowladda Jubbaland in laga ciribtiro Alshabaab meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaaleystaan. Howlgallada is-daba joogga ah ee ay wadaan ciidamada Jubbaland, iyaga oo garab ka helaya Danab iyo saaxiibada caalamiga ah, waxay si weyn u wiiqayaan awoodda Alshabaab, sidoo kalena waxay xoojinayaan amniga guud ee deegaanada Jubaland.”
Dowladda goboleedka Jubbaland waxay u mahadcelinaysaa dhammaan ciidamada ka qeyb qaatay howlgalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacan ka geystay guushan muhiimka ah, iyadoo mar kale adkeynaysa go’aankeeda ku aaddan la dagaallanka Alshabaab iyo xoojinta xasilloonida gobolka.
