HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Laamiga Zoobe ee Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Laamiga Zoobe ee Muqdisho

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dib u dhiska Laamiga Zoobe, oo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xaafadaha caasimadda. Laamigan ayaa burburay kaddib roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay magaalada. Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dib u dhiska Laamiga Zoobe, oo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xaafadaha caasimadda. Laamigan ayaa burburay kaddib roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay magaalada.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan, ganacsato, odayaal dhaqameed, agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

- Advertisement -

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono dayactirka Waddada Shaqaalaha iyo waddooyin kale oo burbur xoogan uu ka jiro, isagoo xusay in canshuurta laga qaado shacabka si daahfuran dib loogu celin doono, looguna adeegi doono bulshada.

“Waxa aan ballanqaadeynaa in canshuurta laga qaado bulshada aan dib ugu celino, si aan ugu horumarino adeegyada aasaasiga ah – oo ay ugu horreeyaan dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, adeegyo caafimaad oo la tayeynayo, iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Dhagax-dhiggaan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Gobolka Banaadir ugu jiro horumarinta adeegyadii bulshada ee aas-aasiga u ah nolol maalmeedka shacabka Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts