Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magacaabay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray qabanqaabada Aaska Qaran ee Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Marxuumka oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Jubaland, ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu aasayo magaalada Kismaayo, iyadoo meydkiisa laga soo qaadi doono magaalada Nairobi.
Guddigan ayaa ka kooban xubno sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland, gaar ahaan Wasaaradaha Caafimaadka, Caddaaladda, Awqaafta, iyo Xeer-ilaalinta Guud, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Kismaayo. Guddigu waxa uu si gaar ah u qaabilsan yahay diyaarinta dhammaan arrimaha la xiriira Aaska Qaran, oo ay ka mid yihiin isu-dubbaridka munaasabadda, dejinta jadwalka iyo xafladaha la xiriira, iyo sidii si sharaf leh loogu maamuusi lahaa marxuumka.
Dowladda Jubaland waxay mar kale muujisay sida ay uga tiiraanyeysan tahay geerida Marxuumka oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, nabadeynta iyo midnimada bulshada Jubaland.
Alle ha u naxariisto Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, Jannatul Firdows ha ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ha ka siiyo ehelkiisa, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
