Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer ku tagay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ujeeddada safarka Jeneraal Sahal ayaa ahayd dhiirrigelinta iyo dardargelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo kulammo la qaatay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan deegaankaasi.
Deegaanka uu booqday taliyaha ayaa muddo dheer gacanta ugu jiray Al-Shabaab, hase yeeshee dhowaan waxaa la wareegay ciidamada Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka.
Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa ciidamada ku sugan jiidda hore ugu baaqay in ay sii labanlaabaan dadaallada dagaalka, si dalka looga ciribtiro guud ahaan Al-Shabaab.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo si isdaba joog ah uga socday maalmahan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
