HomeWararPuntland iyo Jubbaland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Puntland iyo Jubbaland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa war-murtiyeed ay saaka si wadajir ah uga soo saareen magaalada Garoowe si adag ugu dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay ku takrifalka awoodaha Federaalka si loo cabburiyo maamullada aan siyaasadda la wadaagin Villa Soomaaliya. War-murtiyeedka ayaa si […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa war-murtiyeed ay saaka si wadajir ah uga soo saareen magaalada Garoowe si adag ugu dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay ku takrifalka awoodaha Federaalka si loo cabburiyo maamullada aan siyaasadda la wadaagin Villa Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa si gaar ah diiradda u saaray muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya, iyadoo labada hoggaamiye ay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay si sharci-darro ah u faragelisay maamulka hawada, taasoo ay sheegeen in lagu tuntay awoodaha dowlad-goboleedyada. Waxay intaa ku dareen inay cabashadooda si rasmi ah ugu gudbiyeen Hay’adda Duulista Rayidka ee Qaramada Midoobay (ICAO).

- Advertisement -

Madaxweynayaashu waxay sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaameen wax kasta oo kasoo baxay isbeddelka lagu sameeyay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, iyagoo ku adkaystay in isbeddel kasta uu noqon karo mid ku yimaada oo kaliya wadatashi qaran iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

“Isbeddelka Dastuurka wuxuu noqon karaa mid sharci ah oo kaliya haddii uu ku yimaado wadatashi, heshiis qaran iyo oggolaanshaha dhammaan dhinacyada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa si buuxda u taageeray dadaallada Madasha Samatabixinta Qaranka – madal ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo u ololeeya doorashooyin hufan, waqtiyadooda ku dhaca, loona dhan yahay.

Sidoo kale, labada madaxweyne waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay si toos ah ula macaamilaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ilaa laga gaarayo heshiis dhammaystiran oo ku saabsan qaab-dhismeedka Federaalka, qeybsiga kheyraadka, iyo awoodaha maamulka.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, war-murtiyeedka ayaa digniin u diray Dowladda Federaalka, isagoo sheegaya in haddii laga dhego furo baaqyadooda, Puntland iyo Jubbaland ay qaadan doonaan go’aanno ku saleysan dastuuradooda u gaarka ah, si ay u ilaashadaan awoodahooda iyo madax-bannaanidooda maamul.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts