HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Maamuus ah Dhigay Taallada Dhagax-Tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Maamuus ah Dhigay Taallada Dhagax-Tuur

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagax-Tuur ee magaalada Muqdisho, isagoo xusaya halgankii geesiyaasha Soomaaliyeed ee naftooda u huray xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan gobannimada dalka. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Taallada Dhagax-Tuur astaan qaran oo xambaarsan xusuusta halgankii lagu gaadhay madax-bannaanida Soomaaliya, taasoo astaan u ah dhiirigelinta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagax-Tuur ee magaalada Muqdisho, isagoo xusaya halgankii geesiyaasha Soomaaliyeed ee naftooda u huray xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan gobannimada dalka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Taallada Dhagax-Tuur astaan qaran oo xambaarsan xusuusta halgankii lagu gaadhay madax-bannaanida Soomaaliya, taasoo astaan u ah dhiirigelinta jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Dhagax-Tuur waa xusuus qaran oo na xasuusinaysa geesinimada, dulqaadka iyo isku duubnida halgamayaashii Soomaaliyeed. Waa waajib in aan adkeyno midnimada, dal jacaylka iyo wadajirka, si aan u xaqiijino himmilooyinkii awoowayaasheen ee Soomaaliya xor ah, nabad ah oo horumarsan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, masuuliyiin ka tirsan Dowladda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Ubax-dhigga sanadkan ayaa qayb ka ah xuska 65-guuradii kasoo wareegtay xornimada Gobollada Waqooyi ee dalka, oo ku beegan 26-ka Juun 1960-kii.

Latest stories