HomeWararAxmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu kulan siyaasadeed kula yeelanayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulanka labada hoggaamiye oo ka dhacaya maanta Garoowe, ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka KMG ah […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu kulan siyaasadeed kula yeelanayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka labada hoggaamiye oo ka dhacaya maanta Garoowe, ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee ay sameysay madaxtooyada Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka 2026.

- Advertisement -

Warar xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay isku dayayaan in ay kasoo saaraan mowqif mideysan oo ay uga jawaabayaan isbeddelka dastuurka iyo khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulankan uu horseedo casuumaad rasmi ah oo loo fidinayo mucaaridka ku sugan Muqdisho, si shir siyaasadeed oo ballaaran loogu qabto Garoowe, kaas oo lagu falanqeyn doono jihada cusub ee siyaasadda Soomaaliya, iyada oo la wajahayo doorashada madaxtinimada ee 2026.

Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee rasmiga ah oo ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni yeeshaan tan iyo doorashadii guud ee dalka ka dhacday sannadkii 2022. Labada hoggaamiye ayaa dhawaan kulmay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo ay kaga heshiiyeen mad-madow siyaasadeed oo saameeyay xiriirkooda kadib doorashadaasi.

- Advertisement -

Wixii kasoo kordha kulankan siyaasadeed, dib ayaan ka soo sheegi doonaa.

Latest stories