HomeWararShir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho uu ka furmo shir albaabadu u xiran yihiin, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka qeybgeli doonaan madaxdii hore ee dalka ee kasoo horjeeda habka ay dowladda u wajaheyso doorashooyinka dalka. Shirka ayaa noqon doona mid aan loo ogolaan […]

- Advertisement -

Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho uu ka furmo shir albaabadu u xiran yihiin, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka qeybgeli doonaan madaxdii hore ee dalka ee kasoo horjeeda habka ay dowladda u wajaheyso doorashooyinka dalka.

Shirka ayaa noqon doona mid aan loo ogolaan warbaahinta, iyadoo la filayo in dhinacyadu si hoose uga wadahadlaan aragtiyaha kala duwan ee ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

- Advertisement -

Kulammo Hordhac Ah oo Dhexmaray Mucaaradka

Dhanka kale, xubnaha Madasha Samata-bixinta Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa xalay kulan ku yeeshay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Kulankaas ayaa lagu sheegay mid hordhac u ah is-afgarad la filayo, waxaana xubnaha madasha ay mabda’ ahaan ku heshiiyeen in ay oggol yihiin kulan rasmi ah oo ay la yeeshaan Madaxweynaha, kaddib casuumaad uga timid Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in xubnuhu ay isla qaateen in shir gaar ah oo dhexdooda ah la qabto, si loo go’aamiyo waqtiga ku habboon ee kulanka rasmiga ah iyo xubnaha meteli doona Madasha.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin Kale oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Waxaa sidoo kale maanta la filayaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo haatan ku sugan magaalada Nairobi. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isaguna lagu wadaa inuu dalka soo gaaro.

Inta badan xubnaha Madasha mucaaradka ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safarro ay ku maqnaayeen dibadda, taasoo sare u qaaday rajada laga qabo in wada-hadallo miro dhal ah ay ka bilowdaan caasimadda.

Latest stories