HomeWararSaddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex haween ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay kasoo jeedaan degmada Ceelbuur. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Galqoryaale, oo hoostaga isla degmada Ceelbuur, iyadoo bartilmaameedku uu ahaa dad rayid ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarku uu dhacay si […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex haween ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay kasoo jeedaan degmada Ceelbuur.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Galqoryaale, oo hoostaga isla degmada Ceelbuur, iyadoo bartilmaameedku uu ahaa dad rayid ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarku uu dhacay si lama filaan ah, iyadoo haweenka dhaawacmay loo qaaday si degdeg ah degmada Guriceel, si halkaas loogu helo daryeel caafimaad, maadaama ay kasoo jeedaan deegaankaasi.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in xaaladda caafimaad ee haweenka dhaawacmay ay kala daran tahay, iyadoo qaar ka mid ah la geeyay xarumaha caafimaad ee Guriceel.

Maleeshiyaadkii weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamana oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka lagu qaaday dadka shacabka ah.

Gobolka Galgaduud ayaa muddooyinkii dambe wajahayay xaalado amni darro ah, oo ay sabab u yihiin dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil. Falalka noocan oo kale ah ayaa si joogto ah u saameeya nolosha dadka shacabka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Latest stories