HomeWararDanjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga...

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalka Aljeeriya, Mudane Kouidri Chakib Ismail.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya, ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan rugta, kuwaasoo muujiyay xiiseyn iyo diyaar garow ballaaran oo ku aaddan xoojinta iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya labada dal.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada ganacsiga, warshadaha, maalgelinta iyo kobcinta xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Aljeeriya. Danjire Yuusuf Jeego ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay abuurista jawi ganacsi oo furan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo iskaashiga tooska ah ee ganacsatada labada dal.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafaguray qorshe lagu dhisayo xiriir rasmi ah oo dhexmara Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya iyo tan Aljeeriya, si loo fududeeyo is-weydaarsiga khibradaha ganacsi, tababarrada warshadaha iyo suuq-geynta.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isla qaateen in la bilaabo hannaan isku xirka ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Aljeeriya, iyada oo la qorsheynayo kulamo iyo shirar kor u qaada iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Latest stories