HomeWararDagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xiisadda militari ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil ay cirka isku shareertay, kadib gantaallo is-daba joog ah oo la isweydaarsaday tan iyo xalay ilaa saaka. Waxaa la xaqiijiyay in in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen weerarro gantaallo ah oo Iran ku […]

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xiisadda militari ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil ay cirka isku shareertay, kadib gantaallo is-daba joog ah oo la isweydaarsaday tan iyo xalay ilaa saaka.

Waxaa la xaqiijiyay in in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen weerarro gantaallo ah oo Iran ku qaaday magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gudaha Israa’iil. Gantaallada ayaa ku dhuftay magaalooyinka Tel Aviv, Ramat Gan, Holon, iyo Beersheba, sida ay sheegeen ilo rasmi ah oo ka tirsan dowladda Israa’iil.

- Advertisement -

Mid kamid ah gantaallada Iran ayaa si toos ah ugu dhacay Isbitaalka Soroka ee ku yaalla xaafadda Bi’ru Shacba, taasoo ah xarun caafimaad oo hore loogu daweyn jiray dhaawacyada ciidanka Israa’iil ee laga keeno Gaza, sida ay baahisay warbaahinta Jerusalem Post (JPost).

Dowladda Iran ayaa lagu eedeeyay inay saaka oo keliya ku tuurtay ku dhowaad 20 gantaal, iyadoo laga maqlay qaraxyo xooggan iyo digniino seeriga ah gudaha waqooyiga iyo bartamaha Israa’iil.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa weerar dhabar-jab ah ku qaaday xarunta Nukliyeerka ee Arak (Khandab), oo 250 KM koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Tehran. Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, haddana wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in weerarku ku beegmay qaybo muhiim ah oo ka tirsan xaruntaas.

- Advertisement -

Falcelin degdeg ah oo ay Iran ka bixisay weerarkaas, waxay ku tuurtay gantaallo nooc cusub ah oo awood sare leh, kuwaasoo lagu waramay inay ka baxsadeen nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil, xitaa qaybaha ay Mareykanku gacanta ku hayaan.

Xiisaddan cusub ayaa dhalisay walaac ballaaran oo caalami ah, iyadoo beesha caalamku ay baaqyo u dirayaan labada dal si loo xakameeyo colaadda sii fidaysa.

Latest stories