HomeWararShirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Inkastoo shirku yahay mid heer qaran ah, haddana waxaa muuqata in Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed — oo ay ku midoobeen madaxda hore ee dalka — ay ka maqan tahay […]

- Advertisement -

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Inkastoo shirku yahay mid heer qaran ah, haddana waxaa muuqata in Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed — oo ay ku midoobeen madaxda hore ee dalka — ay ka maqan tahay gogosha.

Kulanka oo ah mid lagu doonayo in lagu dardargeliyo hanaanka dowlad-dhisidda, ayaa maanta diiradda lagu saarayaa arrimo udub-dhexaad u ah masiirka dalka, oo ay ka mid yihiin:

- Advertisement -
  • Sugidda amniga qaranka

  • Dib-u-eegista dastuurka kumeelgaarka ah

  • Hanaanka doorashooyinka 2026 iyo wixii ka dambeeya

    - Advertisement -

Shirka waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin caan ah oo aan xilal ka haynin dowladda, madaxda xisbiyada siyaasadeed ee diiwaan-gashan, masuuliyiin heer federaal iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, xisbiyo siyaasadeed oo saldhiggoodu yahay Puntland ayaa ku sugan goobta shirka, halka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu la filayo inuu maanta si rasmi ah ugu biiro wadatashiga.

Hase yeeshee, shirka ayaa wajahaya dhaliilo xoogan oo uga imaanaya mucaaradka, gaar ahaan xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Waxay shirka ku tilmaameen “mid aan loo dhamayn” isla markaana leh dano gaar ah oo siyaasadeed.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, ayaa weli ah caqabad muuqata. Labadan dowlad-goboleed ayaa si cad uga hor yimid wax-ka-beddelka dastuurka iyo habka ay dowladda u maareyneyso arrimaha doorashooyinka.

Shirka waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah maalmaha soo socda, iyadoo si weyn isha loogu hayo qodobada ka soo bixi doona iyo saameynta ay ku yeelan doonaan jihada siyaasadeed ee dalka.

Latest stories