HomeWararGuddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa caawa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu martigeliyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), ayaa diiradda lagu saaray […]

- Advertisement -

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa caawa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu martigeliyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga munaasabadaha Qaran ee maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, kuwaas oo lagu xusayo gobollo kala duwan oo dalka ah iyo sidoo kale jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda.

- Advertisement -

Shirka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay:

  • Muhiimadda taariikheed iyo midda wacyi-gelin ee maalmahan Qaran.

  • Sida habboon ee loo weyneyn karo gudaha dalka iyo dibeddiisaba.

    - Advertisement -
  • Dardargelinta qorshayaasha iyo howlaha isku dubbaridka munaasabadaha iyadoo la kaashanayo hay’adaha dowladda ee arrintan khuseeya.

Waxaa kulanka ka qeyb galay:

  • Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS,

  • Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS,

  • Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS,

  • Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga XFS,

  • Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Mas’uuliyiintaasi ayaa dhammaantood ka dhawaajiyay muhiimadda ay leedahay in si qaranimo leh loo maamulo xuska maalmahan, si loo xoojiyo dareenka midnimo iyo waddaninimo ee shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories