HomeWararShirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

Shirka Wadatashiga Qaran oo Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho Galabta

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa galabta lagu wadaa in si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmo shirkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo masiiri ah oo dalka hortaal. Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka ay ka jiraan xaalado siyaasadeed oo cakiran, khilaafyo la xiriira hannaanka doorashooyinka, […]

- Advertisement -

Waxaa galabta lagu wadaa in si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmo shirkii uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo masiiri ah oo dalka hortaal.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka ay ka jiraan xaalado siyaasadeed oo cakiran, khilaafyo la xiriira hannaanka doorashooyinka, iyo dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah.

- Advertisement -

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee shirka ayaa weli ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in ay kasoo qeybgalaan wufuud heerar kala duwan leh oo ka kala imaanaya gudaha iyo dibadda dalka.

Qodobbada muhiimka ah ee looga doodi doono shirka waxaa ka mid ah:

  • Amniga dalka iyo xasilintiisa

    - Advertisement -
  • Dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka

  • Hufnaanta hannaanka doorashooyinka la filayo

Warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah ayaa lagu wargeliyay in shirka si rasmi ah u furmi doono gelinka dambe ee maanta, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya uu jeediyo khudbad furitaan oo muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, shirka ayaa wajahaya dhaliilo xooggan oo uga imaanaya siyaasiyiin mucaarad ah, gaar ahaan xubnaha ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ku tilmaamay shirku mid aan loo dhamayn oo leh dano gaar ah oo siyaasadeed.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah, iyadoo si weyn isha loogu hayo cidda ka qeybgaleysa iyo nuxurka qodobada looga doodi doono.

Latest stories