HomeWararKulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo fadhiga ay kasoo xaadireen kaliya 87 xildhibaan, halka uu kooramka rasmiga ah ahaa 139 mudane. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa si kulul ugu baaqay xildhibaannada maqnaa in ay xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga […]

- Advertisement -

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo fadhiga ay kasoo xaadireen kaliya 87 xildhibaan, halka uu kooramka rasmiga ah ahaa 139 mudane.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa si kulul ugu baaqay xildhibaannada maqnaa in ay xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna si joogto ah uga soo qeyb galaan fadhiyada baarlamaanka.

- Advertisement -

“Waxaa nasiib darro ah in shaqadii Golaha marar badan dib u dhac ku timaado sababo la xiriira maqnaanshaha xildhibaanno aan muujin xilkasnimo. Waxaan ugu baaqayaa kuwa dalka dibadda uga maqan in ay si degdeg ah u yimaadaan Muqdisho oo ay waajibaadkooda gutaan,” ayuu yiri Abshirow.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in haddii aan xildhibaannadu kasoo qeybgeliin kulanka xiga ee Arbacada, la yeerin doono magacyadooda si dadweynuhu u ogaadaan cidda ka maqan fadhiyada baarlamaanka.

Ajandaha kulanka maanta oo baaqday ayaa ahaa akhrinta labaad iyo coddeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta.

- Advertisement -

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo marar badan ay kulamada Golaha Shacabka dib u dhac ku yimaadeen kooram la’aan darteed, taas oo caqabad ku noqotay hawl-fulinta golaha

Latest stories