HomeWararGuddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah...

Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar si weyn ugu faafay baraha bulshada kuwaas oo sheegayay in dad kasoo jeeda Koofur Galbeed si afduub ah loogu hayo magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye Faysal ayaa wararkaasi ku tilmaamay “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn,” isagoo xusay in dadka la sheegay inay afduub yihiin ay yihiin ehelka nin ku lug lahaa dil ka dhacay deegaanka Idaale ee gobolka Baay sanadkii 2007, kaas oo lagu dilay nin kasoo jeeda Gaalkacyo.

- Advertisement -

“Waa arrin qabiil ku heshiiyay. Magtii lama helin, markaas waxaa la go’aamiyay in dadka laga xiro ilaa laga helo magta. Ma jiro wax afduub ah ama sharci-darro ah,” ayuu yiri guddoomiye Faysal.

Wuxuu sidoo kale xusay in beelaha kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay si rasmi ah u oggolaadeen tallaabadaas, islamarkaana aysan jirin wax cabasho ah oo ka timid qoysaska la xiran.

“Reer Baydhabo, reer Jowhar iyo reer Kismaayo waa walaalo nagu ah, waana oggol yihiin in si caddaalad ah loo xalliyo arrintan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

- Advertisement -

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dood xoogan ay ka taagan tahay baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadka isticmaala ay ku eedeeyeen maamulka Puntland inuu si sharci-darro ah dad rayid ah ugu hayo xabsi. Eedeymahaas ayuu guddoomiye Faysal si cad u beeniyay.

Latest stories