HomeWararWafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka Qaybgalaya Shirar Caalami ah...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka Qaybgalaya Shirar Caalami ah oo ka Dhacaya Shiinaha

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Changsha ee dalka Shiinaha. Wafdiga Wasiirka ayaa halkaas kaga qaybgelaya laba shir oo heer sare ah: Shirka Wasiirrada ee Isku-duwayaasha FOCAC (Forum on China–Africa Cooperation) iyo Carwada 4-aad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Changsha ee dalka Shiinaha. Wafdiga Wasiirka ayaa halkaas kaga qaybgelaya laba shir oo heer sare ah: Shirka Wasiirrada ee Isku-duwayaasha FOCAC (Forum on China–Africa Cooperation) iyo Carwada 4-aad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Shirka FOCAC ee heer wasiir ayaa xooga saaraya hirgelinta ballanqaadyadii laga gaaray shirkii Beijing ee sanadkii 2024, halkaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Shiinaha ay si rasmi ah isula meel dhigeen in xiriirka labada dal loo qaado heer iskaashi istiraatiiji ah, taas oo saldhig u noqon doonta xoojinta wada-shaqeynta labada dowladood ee dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, horumarka iyo amniga.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Carwada Changsha oo sanadkan martigelineysa shirkado Soomaaliyeed markii ugu horreysay, ayaa noqotay madal muhiim ah oo lagu soo bandhigayo wax-soo-saarka dalka — oo ay ka mid yihiin malmalka, beeyada, kalluunka iyo dalagyada beeraha. Ka-qaybgalka shirkadaha Soomaaliyeed ayaa astaan u ah dadaallada socda ee lagu raadinaayo suuqyo cusub iyo fursado maalgashi oo caalami ah.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha, Marwo Hodan Cusmaan, ayaa wafdiga si diirran u soo dhaweysay, iyadoo muujisay muhiimadda ay booqashada Wasiirka u leedahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay dowladda Shiinaha. Waxay sidoo kale caddeysay in Safaaradda Soomaaliya ee Beijing ay si dhow ula shaqeyn doonto wafdiga si loo xaqiijiyo in ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirarka iyo carwada uu keeno natiijooyin muuqda iyo miro-dhal siyaasadeed iyo dhaqaale.

Latest stories