HomeWararGanacsade Lagu Dilay Degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug

Ganacsade Lagu Dilay Degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Allah ha u naxariistee, Ganacsade Cabdifitaax Ceynaanshe Xaashi ayaa lagu dilay degmada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka ayaa kamid ahaa dadka deegaanka ka waday hawlo horumarineed oo la xiriira qodista waro lagu keydiyo biyaha, si loo xalliyo baahiyaha biyaha ee bulshada.

Goobjoogeyaal ku sugan Afbarwaaqo ayaa sheegay in qofka falka geystay uu si degdeg ah goobta uga baxsaday, iyadoo aan ilaa iyo hadda la hayn faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan ciddii ka dambeysay dilka.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay wadaan baadi-goob lagu raadinayo maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin weerarka. Ilaa hadda, maamulka degmada Afbarwaaqo kama uusan hadal dhacdadan, taas oo dhalisay dareen cabsi leh oo ku saabsan amniga deegaanka.

Gobolka Mudug ayaa marar badan wajahaya xaalado amni darro ah oo ay sababaan dilal qorsheysan, dagaallo beeleedyo, iyo muranno dhuleed. Colaadahaas ayaa inta badan salka ku haya isqabqabsi ku saabsan dhulka daaqsimeedka, ceelasha biyaha, iyo aargoosi qabiil oo ka dhashay dhacdooyin hore oo aan xal rasmi ah loo helin.

Sidoo kale, hubka faraha badan ee si fudud gacanta ugu jira shacabka ayaa door weyn ka qaadanaya sii hurinta colaadaha, taas oo caqabad ku noqotay dadaallada nabadeed ee ay wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada Galmudug iyo Puntland.

Latest stories