HomeWararDuqa Muqdisho oo Deeq Daawooyin ah Ku Wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee...

Duqa Muqdisho oo Deeq Daawooyin ah Ku Wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Hiiraan

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaallamaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan. Munaasabadda wareejinta deeqda, oo si rasmi ah u qabsoontay, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaallamaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan.

Munaasabadda wareejinta deeqda, oo si rasmi ah u qabsoontay, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo xubno ka tirsan Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in deeqdan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu taageerayo Ciidamada Qaranka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab. Wuxuu intaa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay garab istaagga ciidamadaas, isla markaana uu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato taageerada kasta oo ay u baahan yihiin.

“Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka waxay u dagaalamayaan badbaadada dalka iyo shacabka. Waana masuuliyad na saaran inaan garabkooda istaagno,” ayuu yiri Dr. Muungaab.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid dhiirrigelinaysa iskaashiga dowladda hoose ee Muqdisho iyo laamaha amniga ee dalka, iyadoo sidoo kale muujineysa kaalinta ay haweenka iyo madaxda heer gobol ka qaadanayaan xoojinta nabadda iyo amniga dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts