HomeWararSoomaaliya oo Kaalinta 4-aad Ka Gashay Dalalka Sida Wanaagsan Ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta 4-aad Ka Gashay Dalalka Sida Wanaagsan Ugu Adeegay Xujeyda

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

 Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay sannadkan 1446 Hijri ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha ugu adeegga wanaagsan ee daryeela xujeyda Soomaaliyeed, sida lagu caddeeyay abaalmarin rasmi ah oo la guddoonsiiyay dowladda.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in guushan la taaban karo ay ka dhalatay dadaal mug leh oo ay bixiyeen Wasaaradda Awqaafta, iyadoo ay ka go’nayd kor u qaadidda adeegyada iyo daryeelka loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in kaalintan sare ay tahay mid muujinaysa isbeddelka dhabta ah ee ka socda maamulka iyo u adeegidda shacabka ee ku aaddan waajibaadka xajka.

“Waa sharaf weyn in Soomaaliya lagu aqoonsado mid ka mid ah dowladaha ugu wanaagsan ee xujeyda u adeega. Abaalmarintan waxay astaan u tahay dadaalka wadajirka ah ee dowladda iyo shacabka,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in abaalmarintan ay tahay mid guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u ah farxad iyo dhiirrigelin, maadaama dadaalkii loo galay sidii loo horumarin lahaa adeegyada Xajka uu miro dhal noqday.

Latest stories