HomeWararMadaxda Hore ee Dalka oo Ka Horyimid Shir uu Madaxweyne Xasan Sheekh...

Madaxda Hore ee Dalka oo Ka Horyimid Shir uu Madaxweyne Xasan Sheekh Iclaamiyay

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka ayaa si rasmi ah u shaacisay inaysan ka qeyb geli doonin shirka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iclaamiyay in la isugu yimaado 15-ka bishan Juun. Bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay Madasha ayaa lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madasha Samata-Bixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka ayaa si rasmi ah u shaacisay inaysan ka qeyb geli doonin shirka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iclaamiyay in la isugu yimaado 15-ka bishan Juun.

Bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay Madasha ayaa lagu caddeeyay in inkastoo ay 1-da Juun si niyadsami leh u soo dhoweeyeen gogosha Madaxweynaha, haddana uu fashilmay rajadii laga qabay qabsoomidda shir loo dhan yahay, maadaama aan si qeexan loo caddeyn ajandaha rasmiga ah, aan la cayimin cidda saxda ah ee ka qeybgelaysa, islamarkaana uusan jirin hannaan wada-tashi qaran oo hufan.

“Gogosha uu Madaxweynaha soo jeediyay waxay abuurtay walaac, kalsooni darro iyo kala fogaansho siyaasadeed, taasoo dhaawacaysa dadaalladii lagu xoojinayay midnimada siyaasadeed iyo in xal waara laga gaaro khilaafaadka jira,”ayaa lagu yiri bayaanka.

- Advertisement -

Madasha Samata-Bixinta waxay hoosta ka xariiqday in shir kasta oo qaran lagu magacaabo uu u baahan yahay hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan wada-tashi dhab ah, si loo helo natiijo lagu kalsoonaan karo, oo ay ka tarjumeyso danaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Madasha waxay mar kale muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan ka qeyb qaadashada gogol siyaasadeed oo dhab ah, oo wax looga qabanayo kala aragti duwanaanta taagan, isla markaana looga hortagayo khataraha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka horyaalla.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts