HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u furay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025. Imtixaankan ayaa waxaa u fadhiistay 41,639 arday oo ka kala yimid dhammaan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir. Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday mid ka mid ah xarumaha […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u furay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025. Imtixaankan ayaa waxaa u fadhiistay 41,639 arday oo ka kala yimid dhammaan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday mid ka mid ah xarumaha imtixaanka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaana Guddoomiye Muungaab uu ardayda kula dardaarmay inay si daacadnimo iyo dadaal leh u galaan imtixaanka, ayna muujiyaan akhlaaq wanaagsan iyo ixtiraam nidaamka imtixaanka.

“Waxaan ku boorinayaa dhammaan ardayda in ay muujiyaan hufnaan, xilkasnimo iyo karti. Natiijada imtixaankani waa mid ka tarjumeysa mustaqbalkiinna iyo horumarka gobolka,”ayuu yiri Guddoomiyaha.

- Advertisement -

Tani ayaa noqonaysa sanadkii lixaad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si madaxbannaan u qaban-qaabiyo imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe, taasoo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka hay’adaha waxbarasho ee gobolka.

Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ayaa amar ku bixiyay in la baneeyo dhammaan xarumaha waxbarashada ee gobolka inta lagu guda jiro maalmaha imtixaanka, si loo xaqiijiyo amniga, hufnaanta iyo jawi deggan oo ardaydu si nabad ah ugu gutaan imtixaankooda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale caddeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo dhisidda jiil aqoonyahan ah oo hoggaan u noqda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Latest stories