HomeWararMunaasabadda Ciidul Adxaa oo si weyn looga ciidayo magaalada Muqdisho iyo guud...

Munaasabadda Ciidul Adxaa oo si weyn looga ciidayo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

 Maanta ayaa lagu jiraa maalintii labaad ee Munaasabadda Ciidul Adxaa, iyadoo si weyn looga ciidayo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya. Farxadda ciida ayaa si gaar ah looga dareemayaa caasimadda, halkaas oo kumannaan qof ay u dareereen goobaha dalxiiska iyo madadaalada. Inkastoo dalal Muslim ah qaarkood maanta ay tahay maalinta koowaad ee ciida, […]

- Advertisement -

 Maanta ayaa lagu jiraa maalintii labaad ee Munaasabadda Ciidul Adxaa, iyadoo si weyn looga ciidayo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya. Farxadda ciida ayaa si gaar ah looga dareemayaa caasimadda, halkaas oo kumannaan qof ay u dareereen goobaha dalxiiska iyo madadaalada.

Inkastoo dalal Muslim ah qaarkood maanta ay tahay maalinta koowaad ee ciida, haddana Soomaaliya iyo dalal kale oo badan oo Muslimiin ah ayaa shalay si rasmi ah u oogay Salaadda Ciidul Adxaa.

- Advertisement -

Goobaha dalxiiska ee caanka ah ee Muqdisho, sida Liido, Jazeera, iyo Beerta Nabadda, ayaa maanta si aad ah u camiran, iyadoo boqolaal qof ay halkaas ugu damaashaadayaan farxadda ciidda. Dadkaasi ayaa isugu jira carruur, waalidiin iyo lamaanayaal u baxay nasasho iyo dabaaldeg.

Shalay oo ahayd maalinta koowaad ee Ciidda, ayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyadu ay shacabka Soomaaliyeed kala qeybgaleen Salaadda Ciidda, iyaga oo ugu baaqay midnimo, nabad iyo is cafin.

Latest stories