HomeWararDagaal culus oo ka socda deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan

Dagaal culus oo ka socda deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wararka laga helayo deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu weli ka socdo halkaasi, kaasoo u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda iyo kooxaha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay isku uruursanayeen duleedka deegaanka. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid culus oo ay labada dhinacba adeegsanayaan hub waaweyn, iyadoo rasaasta laga maqlayo tuulooyin ka fog goobta ay colaadu ka socoto.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, hase yeeshee lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah maadaama dagaalku wali socdo, waxaana xaaladdu tahay mid kacsan.

Isku dhacyadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta guud ahaan dalka laga ciidayo munaasabadda Ciidul Adxaa, balse dadka ku nool Ceel Hareeri ayaa ku waabariistay rasaas halkii ay ka heli lahaayeen farxad ciideed, iyadoo ciidamada deegaanka ay doonayaan inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaankaasi.

Gobolka Hiiraan ayaa hadda ah halkii ugu weynayd ee dagaal toos ah uu ka socdo, iyadoo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay hoggaaminayaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in aysan jirin taageero muuqata oo ka timid dowladda federaalka ama beelaha kale ee deriska la ah, taasoo muujinaysa halgan adag oo ay wadaan dadka deegaanka si ay u helaan nabad iyo xasillooni.

Latest stories