HomeWararFarmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u dhaliilay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u maamulayo gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay 1-dii Juun 2025. Farmaajo ayaa sheegay in qaabka loo wajahayo wadatashigaasi uusan muujinayn dadaal dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan. Farmaajo ayaa tilmaamay in habka […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u dhaliilay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u maamulayo gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay 1-dii Juun 2025. Farmaajo ayaa sheegay in qaabka loo wajahayo wadatashigaasi uusan muujinayn dadaal dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Farmaajo ayaa tilmaamay in habka martiqaadka, ajandaha iyo jihada guud ee shirku ay yihiin kuwo aan loo dhammayn, taasoo sida uu sheegay carqalad ku ah helitaanka heshiis qaran oo ku saabsan arrimo masiiri ah sida wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka iyo wadaagga awoodda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

- Advertisement -

“Arrimaha siyaasadeed ee u baahan heshiis qaran iyo talo-wadaag waa mas’uuliyad lagu xalliyo iyadoo loo dhan yahay. Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa mid wali diidan in uu waddadaas qabsado,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah uga digay qorshaha lagu wax ka beddelayo 11 cutub oo ka mid ah dastuurka, isagoo ku tilmaamay “mid sharci-darro ah” iyo “halis ku ah heshiiskii siyaasadeed ee salka u ahaa dowladnimada dalka.”

Dhanka kale, Farmaajo ayaa dhaliilay hannaanka doorasho ee dowladda hadda jirta ay waddo, wuxuuna ku tilmaamay “mid aan loo dhamayn, kuna saleysan sharciyo iyo guddiyo uu madaxweynuhu gaar u magacaabay,” taasoo uu sheegay in aysan metelin is-afgarad qaran.

- Advertisement -

Farmaajo wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay is-diiwaangelinta muwaadiniinta oo uu ku sifeeyay “mid qasab ah” oo “ku tumanaysa xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu si dhab ah u wajaho xaaladda siyaasadeed ee dalka, kuna soo laabto dariiqii dastuurka lagu heshiiyay, si loo helo gogol wadatashi oo dhab ah, laguna gaaro go’aammo masiiri ah oo ay si buuxda uga qayb qaataan dhammaan heerarka dowladda.

“Haddii si dhab ah loo doonayo xal waara, waa in gogosha wadatashigu noqotaa mid ay ka wada qeyb qaataan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Latest stories