HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Wadatashi La Yeeshay Hoggaanka Ururrada Siyaasadeed ee Isu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wadatashi La Yeeshay Hoggaanka Ururrada Siyaasadeed ee Isu Diiwaangeliyey Doorashada

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee si rasmi ah isu diiwaangeliyey, kuwaas oo door muhiim ah ku leh geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hirgelinta doorashada hal qof iyo hal cod, iyadoo Madaxweynaha uu faahfaahin ka bixiyey dadaallada ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee si rasmi ah isu diiwaangeliyey, kuwaas oo door muhiim ah ku leh geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hirgelinta doorashada hal qof iyo hal cod, iyadoo Madaxweynaha uu faahfaahin ka bixiyey dadaallada ay dowladihii kala dambeeyay ku bixiyeen muddo labaatan sano ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaan matala rabitaankooda.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in dowladdu ka go’an tahay dhammaystirka hannaanka doorasho ee dimuqraadi ah, isagoo xusay in wadatashiyada qaran iyo la-tashiyada joogtada ah ee lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed ay yihiin tiirar muhiim u ah xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhankooda, hoggaanka ururrada siyaasadeed ayaa bogaadiyey juhdiga ay dowladda ku bixinayso dhismaha nidaam doorasho oo toos ah, waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wacyigelinta dadweynaha si loo abuuro faham guud iyo ka-qaybgal ballaaran oo ku saabsan doorashooyinka soo socda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dedaallada joogtada ah ee Madaxtooyada Qaranka ay ugu jirto dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay, isla markaana ku saleysan wadatashi iyo hufnaan siyaasad

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts