HomeWararDagaal Culus oo Ka Qarxay Xuduudda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe Kadib Weerar...

Dagaal Culus oo Ka Qarxay Xuduudda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe Kadib Weerar Ismiidaamin ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dagaal culus ayaa maanta ka qarxay meel ku dhow xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay fuliyeen weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen agagaarka deegaanka Ceel Hareeri. Weerarka ayaa la sheegay inuu ku billowday gaari laga soo buuxiyay […]

- Advertisement -

Dagaal culus ayaa maanta ka qarxay meel ku dhow xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay fuliyeen weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen agagaarka deegaanka Ceel Hareeri.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ku billowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla inta u dhaxaysa Ceel Hareeri iyo Aadan Yabaal. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Ceel Hareeri kahor inta uusan gaarin bartilmaameedka rasmiga ah, kadib markii ciidamada ammaanka ay ka hortageen gaadiidkii qaraxa watay.

- Advertisement -

Markii uu qaraxa dhacay kadib, waxaa bilowday dagaal culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus iyo rasaas xooggan, iyadoo si weyn loo maqlayay jugta madaafiicda iyo rasaasta socotay saacado badan.

Wararka ugu dambeeya ee laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in weli iska horimaadku uu socdo, iyadoo labada dhinac ay kala kulmeen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee waxyeellada.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay socdaan howlgal ballaaran oo ay ciidamada Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ka wadaan deegaannada xuduudka u dhexeeya Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, si looga xoreeyo gacanta Al-Shabaab.

- Advertisement -

Ciidamada dowladda ayaa horey u ballanqaaday in aysan joojin doonin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ilaa laga xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.

Latest stories