HomeCaalamkaUkraine oo sheegtay guul weyn kaddib weerarkii ugu ballaarnaa ee ay ka...

Ukraine oo sheegtay guul weyn kaddib weerarkii ugu ballaarnaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ukraine ayaa sheegtay inay guul weyn ka gaartay weerarkii ugu weynaa uguna fogaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanka lagu qaaday dalkeeda sannadkii 2022. Weerarkan oo la sheegay inuu ahaa mid si weyn loo qorsheeyey ayaa lagu bartilmaameedsaday afar saldhig militari oo Ruushka leeyahay. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa […]

- Advertisement -

Ukraine ayaa sheegtay inay guul weyn ka gaartay weerarkii ugu weynaa uguna fogaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanka lagu qaaday dalkeeda sannadkii 2022. Weerarkan oo la sheegay inuu ahaa mid si weyn loo qorsheeyey ayaa lagu bartilmaameedsaday afar saldhig militari oo Ruushka leeyahay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in weerarkan oo loo adeegsaday 117 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drone) uu sababay burbur weyn oo gaaray saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka. Sida uu sheegay, ilaa 40 diyaaradood oo ah kuwa weerarrada meelaha fog laga geysto ayaa lagu burburiyey hawlgalkan.

- Advertisement -

Zelensky ayaa xusay in howlgalka, oo lagu magacaabay ‘Xuubka Caarada’, ay si qarsoodi ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka ee SBU. Wuxuu intaas ku daray in la burburiyey 34% diyaaradaha Ruushka ee xambaara gantaallada ridada dheer ee nooca “strategic cruise missile”.

Ilo ku dhow sirdoonka Ukraine ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarinta hawlgalkan ay qaadatay hal sano iyo bar. Diyaaradaha drone-ka ayaa la geliyey gudaha Ruushka iyadoo lagu dhuumanayey sanaadiiq alwaax ah, waxaana lagu qariyey goobo u dhow bartilmaameedyada, ka hor inta aan si isku dubbaridan loo weerarin saldhigyada laga soo abaabulo duqeymaha cirka.

Dhinaca kale, dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay in weerarro lagu qaaday shan gobol oo ka tirsan dalkaas, waxayna ku tilmaantay dhacdadan mid “argagixisanimo ah”.

Latest stories