HomeWararMadasha Mucaaradka iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka Soomaaliya

Madasha Mucaaradka iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku bahoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo xoogga saaray arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Kulankan, oo daba socda shirkii dhawaan Madashu ku qabatay Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray baahida loo qabo in la helo hannaan doorasho oo ay Soomaalidu u dhanyahay, waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii hore, isla markaana ku dhacda waqtigeeda.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wadahadlay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo deggan, lana dhiso kalsoonida shacabka, hay’adaha dowladda, iyo saaxiibada caalamiga ah ee garab taagan Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa la wadaagay wakiillada beesha caalamka talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dardargelinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo dhismaha nidaam doorasho oo ku saleysan wadatashi, hufnaan, iyo xorriyad.

Dhankooda, wakiillada beesha caalamka ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan horumarinta dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxayna si gaar ah u bogaadiyeen doorka Madasha ee ku wajahan dhiirrigelinta wadahadalka iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada.

- Advertisement -

Mucaaradka Soomaaliya ayaa mar kale adkeeyay in xalka siyaasadeed ee dalka uu ku xiran yahay helidda nidaam doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, si dalka si nabad ah uga gudbo marxaladda kala-guurka loogana gudbo caqabadaha siyaasadeed ee taagan.

Latest stories