HomeWararFahad Yaasiin oo Sagootiyay Sanbaloolshe una Hambalyeeyay Mahad Salaad

Fahad Yaasiin oo Sagootiyay Sanbaloolshe una Hambalyeeyay Mahad Salaad

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyay bartiisa X (Twitter) ku muujiyay sagootin iyo mahadcelin uu u diray Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo hambalyo uu u jeediyay Taliyaha cusub, Mahad Maxamed Salaad. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in […]

- Advertisement -

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyay bartiisa X (Twitter) ku muujiyay sagootin iyo mahadcelin uu u diray Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo hambalyo uu u jeediyay Taliyaha cusub, Mahad Maxamed Salaad.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in uu dhowr jeer si gaar ah ula xiriiray Taliye Sanbaloolshe muddadii uu xilka hayay, isagoo uga mahadceliyay wada-shaqayntii wanaagsaneyd, xushmadda iyo qadarinta uu kala kulmay intii uu xilka hayay.

- Advertisement -

Dhanka kale, waxa uu si diirran u soo dhaweeyay magacaabista Mahad Maxamed Salaad oo mar kale loo igmaday hoggaanka Hay’adda NISA. Fahad Yaasiin ayaa u rajeeyay Taliyaha cusub guul iyo waajibaad gudasho hufan, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo amniga qaranka.

Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa tilmaamaya isbeddelka hogaamineed ee Hay’adda NISA iyo sida uu ugu rajo weyn yahay in mas’uuliyiinta cusub ay la yimaadaan hoggaan tayo leh oo sare u qaada amniga iyo xasiloonida dalka.

Latest stories