Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey in uu laba jibbaaray canshuuraha ku soo rogmaya birta iyo aluminiumka laga soo dhoofsado dibadda, isagoo sidoo kale ku tilmaamay heshiis weyn oo uu la galay shirkadda Nippon Steel ee Japan, heshiis la sheegay in uu noqon doono mid soo nooleeya warshadaha birta ee Maraykanka. Hadalkiisu waxa uu ka dhacay goobta warshadda birta ee U.S. Steel ee magaalada West Mifflin, Pennsylvania, halkaas oo uu ku faafiyey aragtidiisa ku aaddan “Xilligii Suunka Dahabka,” isagoo ka fogeeyay magaca hore ee “Rust Belt” ee gobolka.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in canshuurta laga qaado birta iyo aluminiumka laga soo dhoofsado ay kordhayaan laga bilaabo 25% ilaa 50%, taasoo dhaqan geli doonta 4ta Juun 2025. Wuxuu arrintan ku tilmaamay tallaabo lagu xaqiijinayo ammaanka qaranka iyo taageerada warshadaha gudaha.
Trump ayaa ku ammaanay heshiiska lagu gaaray Nippon Steel kaasoo uu ku tilmaamay mid ilaalin doona shaqooyinka gudaha Maraykanka isla markaana kor u qaadi doona wax soo saarka birta. Wuxuu ballan qaaday in dhammaan warshadaha U.S. Steel ay sii shaqeyn doonaan, isla markaana shaqaalaha birta la siin doono abaalmarin lacageed oo dhan $5,000 qofkiiba.
Xafladda lagu dhawaaqay canshuur kordhinta iyo heshiiska Nippon Steel ayaa ka dhacday magaalada West Mifflin, Pennsylvania, maalintii Khamiista, 30 May 2025.
Kororka canshuuraha ayaa lagu fuliyey iyadoo la adeegsanayo Qodobka 232 ee Xeerka Balaadhinta Ganacsiga ee Maraykanka, kaasoo ujeedadiisu tahay ilaalinta ammaanka qaranka. Hase yeeshee, tallaabadan ayaa ka dhalisay caro caalami ah, iyadoo Canada, Australia, iyo qaar ka mid ah wadamada kale ay si adag uga soo horjeesteen.
Inkasta oo Trump heshiiska la sheegay in uu yahay iskaashi, website-ka shirkadda U.S. Steel ayaa ku tilmaamaya heshiiska inuu yahay iibsasho (acquisition) ay Nippon Steel ku sameynayso shirkadda Maraykanka, taasoo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan cidda xaqiiqda ah ee maamusha shirkadda mustaqbalka. Xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa shaki ka muujiyey fahamka madaxweynaha ee heshiiska, iyadoo la isweydiinayo cidda leh saamiga ugu weyn.
Ururka Midowga Shaqaalaha Birta (United Steelworkers), oo horey u taageeri jiray siyaasadaha ilaalinta birta ee Trump, ayaa si taxaddar leh uga hadlay arrintan, iyagoo cabsi ka muujiyey saameynta heshiiska ku yeelan karo ammaanka qaranka iyo shaqaalaha warshadaha.
Trump ayaa ballan qaaday in gobolka Pennsylvania uusan mar dambe noqon doonin “Rust Belt” oo ah goob burbur iyo hoos u dhac warshadeed, balse uu noqon doono “Golden Belt” oo ka buuxa horumar iyo shaqooyin. Laakiin falanqeeyayaasha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa digniin ka bixiyey in canshuuraha cusub ay sare u qaadi doonaan qiimaha alaabta, keeni karaan dagaallo ganacsi oo caalami ah, isla markaana aysan xallin doonin caqabadaha waaweyn ee warshadaha Maraykanka muddo dheer ka taagnaa.
Madaxweynaha Trump ayaa wacdaro ku muujiyey in qorshihiisu yahay in la adkeeyo warshadaha gudaha, ayna tahay in Golaha Kongareeska Maraykanku taageero xeerka uu ugu magac daray “hal sharci oo qurux badan,” kaasoo uu ku sheegay inuu soo celin doono awoodda warshadaha Maraykanka. Dadaalkani wuxuu muujinayaa sida uu Trump ugu dadaalayo in dib loo soo celiyo kalsoonida shaqaalaha warshadaha iyo taageerayaasha siyaasadiisa, iyadoo weli su’aalo badan laga qabo saameynta heshiiska Nippon Steel iyo mustaqbalka shirkadda U.S. Steel.
