HomeWararWafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka...

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda qeybo ka mid ah bartamaha dalka. Taliyaha iyo wafdigiisa […]

- Advertisement -

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda qeybo ka mid ah bartamaha dalka.

Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay degmadaasi Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Wehliye, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Soo dhaweynta ayaa ahayd mid muujinaysa sida shacabka iyo maamulka gobolka ugu heelan yihiin xoojinta dagaalka Alshabaab.

- Advertisement -

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan aagga hore ee dagaalka, isaga oo dhiirrigelin iyo hagitaan siinayay cutubyada ka tirsan Ciidanka Dhulka iyo kuwa deegaanka ee gacanta ku haya howlgalada socda. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo gulufka ka dhanka ah Khawaarijta si loo sugo amniga guud ee dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale kulammo gaar ah la yeeshay saraakiisha hogaamineysa dagaalka, isaga oo la wadaagay istiraatiijiyado cusub oo lagu dardargelinayo howlgalka sifeynta Khawaarijta ee ka socda xuduudda u dhaxeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada huwanta ah guulo waaweyn ka gaareen dagaallo xiriir ah oo ay kula jireen Alshabaab, kuwaas oo lagu jabiyay meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan deegaannadaasi.

Latest stories