HomeWararWadatashi Baarlamaan oo Ku Saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda Caruurta

Wadatashi Baarlamaan oo Ku Saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda Caruurta

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Villa Hargeysa Guddiga Xuquuqul Insaanka ee isla Golaha Shacabka. Kulankan oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda, Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Sayid Cali Isaaq […]

- Advertisement -

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Villa Hargeysa Guddiga Xuquuqul Insaanka ee isla Golaha Shacabka.

Kulankan oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda, Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed, iyaga oo si qoto dheer uga wadahadlay qodobbada ku xusan Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta.

- Advertisement -

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd wada-tashi rasmi ah oo ku saabsan qodobbada Axdiga, iyadoo Guddiga Arrimaha Dibadda uu talo iyo aragti ka raadinayay Guddiga Xuquuqul Insaanka, si loo xaqiijiyo in qodob kasta oo ka mid ah Axdigaasi uu waafaqsan yahay diinta Islaamka iyo Dastuurka Qaranka.

Intii uu socday kulanka, waxaa la falanqeeyay qodobbada la is khilaafsan yahay, waxaana gebagebadii la isku raacay in laga saaro ama wax-ka-beddel lagu sameeyo dhammaan qodob kasta oo si toos ah ama si dadban uga hor imaanaya mabaadi’da shareecada Islaamka iyo qodobbada Dastuuriga ah ee dalka.

Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin, oo kulanka soo xiray, ayaa uga mahadceliyay Guddiga Xuquuqul Insaanka doorkooda muhiimka ah, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta dib loogu soo celiyo Golaha si uu u maro Akhrinta Labaad, iyadoo la raacayo talooyinka iyo soo jeedimaha laga soo saaray kulankan.

“Waa waajib na saaran in aan difaacno dhaqankeena, diinteena iyo dastuurkeena, anagoo sidoo kale ilaalinayna xuquuqda caruurta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xildhibaan Aweys.

Latest stories