HomeWarar"Digniin Cusub: Xukuumadda Soomaaliya oo Ka Digeysa Halista Kacsanaanta Badda"

“Digniin Cusub: Xukuumadda Soomaaliya oo Ka Digeysa Halista Kacsanaanta Badda”

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin adag oo ku saabsan khatarta ka dhalan karta kacsanaanta badda, kadib markii la xaqiijiyay in sagaal qof oo dhalinyaro ah ay baddu liqday laba maalmood gudahood. Ilaa iyo hadda, waxaa la helay meydadka shan ka mid ah, halka afar kalena […]

- Advertisement -

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin adag oo ku saabsan khatarta ka dhalan karta kacsanaanta badda, kadib markii la xaqiijiyay in sagaal qof oo dhalinyaro ah ay baddu liqday laba maalmood gudahood. Ilaa iyo hadda, waxaa la helay meydadka shan ka mid ah, halka afar kalena wali la la’yahay, iyadoo gurmadka raadinta uu wali socdo.

Wasaaradda waxay ku sheegtay war-saxaafadeed rasmi ah in xilligan la joogo uu yahay xilli badda si aad ah u kacsan tahay (Jiidmaal), taasoo abuureysa khataro muuqda oo si toos ah u saameyn kara doomaha kalluumaysiga, kalluumeysatada, iyo guud ahaan dadka ku sugan xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan si gaar ah u dignaynaa dhammaan doomaha yaryar ee ku hawlan kalluumaysiga iyo howlaha kale ee badda, inaysan gelin badweynta inta lagu jiro xilligan kacsanaanta. Mowjadaha xooggan iyo xaaladaha degdegga ah ee cimilada ayaa sare u qaaday khatarta shilalka badeed,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

- Advertisement -

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay si xushmad leh ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, in ay ka fogaadaan xeebaha muddada lagu jiro xaaladdan khatarta ah. Waxaa si gaar ah loo xusay in aan la sameyn dabaal, damaashaad ama hawlo xeebeed kale oo aan daruuri ahayn, si looga hortago waxyeelo naxdin leh.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah waxay adkeyneysaa in la qaato feejignaan dheeraad ah, isla markaana lala socdo digniinaha cimilada iyo talooyinka hay’adaha rasmiga ah, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara xaaladaha degdegga ah ee badda.

Latest stories