HomeWararXildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo...

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Taageero Muhiim ah u Muujiyay Ciidamada Qaranka iyo Deegaanka

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si mideysan ugu heshiiyay in qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu deeqaan taageerada Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo dagaal culus kula jira kooxaha Khawaarijta iyo Daacish. Go’aankan ayaa ka dhashay dood qoto dheer oo ay yeesheen mudanayaasha, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan […]

- Advertisement -

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si mideysan ugu heshiiyay in qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu deeqaan taageerada Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo dagaal culus kula jira kooxaha Khawaarijta iyo Daacish.

Go’aankan ayaa ka dhashay dood qoto dheer oo ay yeesheen mudanayaasha, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu ku dhawaaqay in la magacaabi doono guddi gaar ah oo ka shaqeeya hirgelinta soo jeedintan.

- Advertisement -

Dhanka kale, Golaha Shacabka ayaa ansixiyay laba Hindise Sharciyeed oo muhiim ah:

  1. Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah
    – Waxaa ogolaaday: 136 Xildhibaan
    – Waxaa diiday: 1 Xildhibaan
    – Waxaa ka aamusay: 5 Xildhibaan

  2. Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha
    – Waxaa ogolaaday: 136 Xildhibaan
    – Waxaa diiday: 4 Xildhibaan
    – Ma jirin wax ka aamusay

    - Advertisement -

Ansixinta sharciyadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ugu jiro horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada dadka nugul.

Latest stories