HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Labada Dal Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid, iyagoo si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudiga […]

- Advertisement -

Labada Dal

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid, iyagoo si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudiga taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, amniga, maalgashiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa xaqiijiyay in Sucuudigu weli garab taagan yahay Soomaaliya, isla markaana uu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo kaalmada uu ku bixinayo dib-u-dhiska dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in Boqortooyadu ka go’an tahay la shaqeynta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo dadaallada lagu sifeynayo kooxaha Argagaxisadda ah, loona suurtageliyo horumar ballaaran oo dadka Soomaaliyeed gaaraan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dal ku xoojinayaan iskaashiga laba geesoodka ah, iyada oo la filayo in iskaashigaasi uu gaaro heerar cusub oo waxtar leh.

Latest stories