HomeWararMucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah...

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka, kuwaasoo horey u soo qabtay xilal sare sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka. Madaxdan oo si weyn u dhaliilsan siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadda u muuqda kuwo mideynaya mowqifkooda, iyagoo ku howlan […]

- Advertisement -

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka, kuwaasoo horey u soo qabtay xilal sare sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka.

Madaxdan oo si weyn u dhaliilsan siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadda u muuqda kuwo mideynaya mowqifkooda, iyagoo ku howlan abaabul siyaasadeed oo ballaaran.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan Muqdisho, halkaas oo ay kulamo la yeelan doonaan siyaasiyiin kale oo mucaarad ah. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulamadan ay sal u yihiin dadaal lagu doonayo in lagu mideeyo aragtiyaha siyaasadeed ee dhinacyada mucaaradka.

Sidoo kale, toddobaadka soo socda waxaa Muqdisho kusoo wajahan siyaasiyiin magac ku leh siyaasadda dalka, sida Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa sidoo kale la filayaa imaanshaha Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaas oo door muuqda ka soo qaatay siyaasadda dalka sanadihii u dambeeyay.

Xogaha la helayo ayaa muujinaya in siyaasiyiintan mucaaradka ah ay wadaan qorshe cusub oo lagu mideynayo mowqifkooda, si loo kordhiyo cadaadiska ay saareen dowladda hadda jirta. Ujeeddada ugu weyn ayaa lagu sheegay inay tahay in dalka laga hirgeliyo hannaan siyaasadeed oo xasilloon, lagana fogaado fowdo siyaasadeed.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dalka ka jiraan xaalado siyaasadeed oo cakiran, iyadoo shirar diblomaasiyadeed iyo abaabulo siyaasadeed ay si xowli ah uga socdaan gudaha iyo dibedda dalka.

Latest stories