HomeWararMaxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa. Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa furitaanka […]

- Advertisement -

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa furitaanka kulanka uga warbixiyay xubnaha Guddiga Joogtada ah shaqooyinka mudnaanta u leh Golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad. Sidoo kale, guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ayaa bixiyay warbixinno la xiriira shuruucda horyaalla iyo habraacyada howleed ee harsan.

Intii uu socday kulanka, Guddiga Joogtada ah ayaa sameeyay ajandeyn iyo jadwaleyn rasmi ah oo ku aaddan kulamada Golaha ee toddobaadka soo socda, si loo dardargeliyo hawlaha horyaalla.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xidhitaanka kulanka kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay sii laba-jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo shaqada Golaha Shacabka, si Baarlamaanku uga gudbo wajiyada muhiimka ah ee horyaalla dalka.

Latest stories