HomeWararKulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay...

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Muqdisho – Kulan doodwadaag muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xaaladda xorriyadda saxaafadda iyo caqabadaha horyaalla suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka qabsoomay xarunta Safaaradda Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho. Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda IMS (International Media Support) iyo Safaaradda Sweden ee Soomaaliya, waxaana kasoo qayb galay madaxda ururrada warbaahinta, wakiillo ka […]

- Advertisement -

Muqdisho – Kulan doodwadaag muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xaaladda xorriyadda saxaafadda iyo caqabadaha horyaalla suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka qabsoomay xarunta Safaaradda Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda IMS (International Media Support) iyo Safaaradda Sweden ee Soomaaliya, waxaana kasoo qayb galay madaxda ururrada warbaahinta, wakiillo ka socday beesha caalamka, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Ururrada warbaahinta ee kulanka ka qayb galay waxaa ka mid ahaa:

  • SOMA

  • SIMHA

    - Advertisement -
  • SWJO

  • MAP (oo ka dhisan Puntland)

  • SJS

  • MWN

  • MEDIA COUNCIL

Dhanka dowladda, waxaa kulanka goob-joog ka ahaa xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, oo uu horkacayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale. Sidoo kale, wakiillo ka socday safaaradaha Midowga Yurub, Sweden, iyo Denmark ayaa iyaguna ka hadlay kulanka.

Qodobada ugu waa weyn ee laga dooday waxay ahaayeen:

  • Xaaladda suxufiyiinta iyo xadgudubyada lagula kaco

  • Caqabadaha ay la kulmaan warbaahinta madaxa bannaan

  • Tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalin karo xoriyadda hadalka iyo badqabka wariyeyaasha

Wakiillada beesha caalamka ayaa soo bandhigay kiisaska tacaddiyada loo gudbiyay, halka madaxda ururrada warbaahinta ay si gaar ah u xuseen xaaladihii ugu dambeeyay ee wariyeyaasha lagu dhibaateeyay, gaar ahaan dhacdooyin ka dhacay labadii bilood ee u dambeeyay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda hadalka, isla markaana ay diyaar u yihiin xalinta tabashooyinka ay qabaan suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta.

Gabagabadii kulanka, dhinacyadu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo helo xal waara oo lagu xaqiijinayo xorriyadda saxaafadda, laguna ilaaliyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Latest stories