HomeWararDHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

DHAGAX-DHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO OO KA DHACAY MUQDISHO

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

 Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddada muhiimka ah ee Nasiib Buundo, taas oo xiriirisa degmooyinka Warta Nabadda, Boondheere, iyo Shibis. Munaasabaddan ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb […]

- Advertisement -

 Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddada muhiimka ah ee Nasiib Buundo, taas oo xiriirisa degmooyinka Warta Nabadda, Boondheere, iyo Shibis.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, madaxda degmooyinka ku lugta leh mashruuca, ganacsato, Agaasimeyaal, odayaal dhaqameed, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

- Advertisement -

Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ku tilmaamay mashruucan mid muhiim u ah dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee caasimadda. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhismaha waddadan uu qeyb weyn ka qaadan doono kor u qaadista bilicda magaalada iyo kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in mashruucu ka mid yahay qorshe ballaaran oo lagu dayactirayo waddooyinkii ay saameeyeen roobabkii u dambeeyay.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa bogaadiyay dadaalka Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada.

Dhagax-dhiggan ayaa astaan u ah dedaalka socda ee lagu horumarinayo adeegyada iyo kaabayaasha magaalada Muqdisho, waxaana la rajeynayaa in dhismaha waddadan uu si weyn u fududeeyo isu socodka bulshada iyo ganacsiga.

Latest stories