HomeWararDagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in Taliyihii ciidamada Macaawisleyda gobolkaasi, Cabdi Yuusuf Salaad (oo loo yaqaanay Cabdi Goomey), lagu dilay dagaallo culus oo ka socda xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Taliye Goomey ayaa ku geeriyooday dagaalkii ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee degmada Moqokori, sida ay […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in Taliyihii ciidamada Macaawisleyda gobolkaasi, Cabdi Yuusuf Salaad (oo loo yaqaanay Cabdi Goomey), lagu dilay dagaallo culus oo ka socda xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Taliye Goomey ayaa ku geeriyooday dagaalkii ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee degmada Moqokori, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan halkaasi. Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay gudaha gobolka, iyadoo dad badan oo reer Hiiraan ah ay baraha bulshada uga muujiyeen murugo iyo tacsi.

- Advertisement -

Cabdi Goomey wuxuu ka mid ahaa taliyeyaasha ugu magaca weyn ee Macaawisleyda, waxaana sannadkii 2022 si rasmi ah loogu abaalmariyay lacag dhan $10,000, kadib markii uu ka takhalusay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kana soo jaray madaxooda.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyaha, iyagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka madaxii maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Waxay sidoo kale sheegeen inuu muddo dheer bartilmaameed u ahaa weerarradooda.

Dilka Taliyaha Macaawisleyda ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood kadib markii si shirqool ah loo dilay Taliyihii Guutada 26-aad ee qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale, oo la toogtay kadib markii askari ka tirsan ciidankiisa uu rasaas la beegsaday.

- Advertisement -

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dagaallada ka socda gobolkaasi ay socdaan maalmo xiriir ah, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay sii fidaan.

Latest stories