HomeWararDagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaal Culus oo Maalintii Labaad Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay  Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxaysa degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceeldheere Buraale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus oo halkaasi ka socday ay mareen maalintii labaad, iyadoo la xaqiijiyey in uu […]

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay  Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxaysa degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceeldheere Buraale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus oo halkaasi ka socday ay mareen maalintii labaad, iyadoo la xaqiijiyey in uu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray. Si kastaba ha ahaatee, weli lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada dhimashada iyo dhaawaca.

- Advertisement -

Xogaha la helayo ayaa muujinaya in labada dhinac ay xalay isku horfadhiyeen jiidda hore ee dagaalka, halkaasoo uu saaka dagaalku ka qarxay mar kale.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkaan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo  Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka. Sidoo kale, waxay xuseen in shacabka deegaanka ay door muhiim ah ku leeyihiin taageerada iyo fududeynta howlgallada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa shacabka deegaanka si loo xoreeyo dhulka wali gacanta ugu jira  Alshabaab

Latest stories