HomeWararXasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey meertada 34-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baqdaad, isagoo si qoto dheer uga hadlay xaaladda Soomaaliya, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka, iyo taageerada ay u hayso qadiyadaha Carabta. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya […]

- Advertisement -

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey meertada 34-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baqdaad, isagoo si qoto dheer uga hadlay xaaladda Soomaaliya, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka, iyo taageerada ay u hayso qadiyadaha Carabta.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga, la-dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wuxuu sheegay in dadaalladan ay gacan ka geysteen xasillooni iyo horumar muuqda oo laga gaaray dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Khudbadda Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xustay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, isagoo mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, xilli ay la kulmayaan duullaan iyo tacaddiyo ka socda Marinka Qaza.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carab ahaan. Soomaali ahaan, waxaan aaminsanahay in la dhiso dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna tahay Quddus,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aanka lagu qaaday cunqabataynta dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta dib u soo kabashada dalkaas. Wuxuu ugu dambeyn carrabka ku adkeeyay taageerada Soomaaliya ee midnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhinacyada kala duwan in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan.

Latest stories