HomeCaalamkaXal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda...

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa maanta martigelineysa meertada 34-aad ee shirka Jaamacadda Carabta, iyadoo la filayo in diiradda lagu saaro arrimaha Falastiin, gaar ahaan xaalada Qaza. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka.

Soomaaliya waxa ay kulanka ku mataleysa mowqif cad oo la xiriira la-dagaalanka argagaxisada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh lagu wado inuu si gaar ah uga hadlo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish. Inta uu joogo Baqdaad, madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa qaar ka mid ah madaxda Carabta si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Shirka oo ah mid heer sare ah ayaa sidoo kale looga hadlayaa dadaallada xabbad-joojinta Qaza, dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah, iyo diyaarinta shir dib-u-dhis ah oo lagu qaban doono magaalada New York bisha Juun.

Waxaa la xaqiijiyay in shirka ay goobjoog ka yihiin shan hoggaamiye oo Carbeed, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi, iyo Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka mid ah ka qayb-galayaasha shirka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories