HomeWararCiidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Baraawe, gaar ahaan deegaan qiyaastii 40km u jirta magaalada. Howlgalkaan ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay  Al-Shabaab ku lahayd halkaas, iyadoo laga saaray fariisimo istiraatiiji ah oo ay muddo ku sugnaayeen. Howlgalka waxaa […]

- Advertisement -

 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Baraawe, gaar ahaan deegaan qiyaastii 40km u jirta magaalada. Howlgalkaan ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay  Al-Shabaab ku lahayd halkaas, iyadoo laga saaray fariisimo istiraatiiji ah oo ay muddo ku sugnaayeen.

Howlgalka waxaa si toos ah u hoggaaminayay saraakiil sare oo uu ka mid yahay Taliyaha Ururka 25-aad, Gashaanle Cali Degal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, Janaraal Aadan Yuusuf Baroon, iyo Taliyaha Xasilinta Degmada Baraawe, Ibraahim Xasan Geladow. Saraakiishan ayaa sheegay in alshabaab laga saaray dhul ballaaran oo ay horey u haysteen, islamarkaana ay ku guuleysteen burburinta xarumo muhiim ah oo ay  u adeegsan jireen hawlgalladooda.

- Advertisement -

Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga deegaannada hoos yimaada degmada Baraawe, iyadoo la qorsheynayo in howlgalladaasi la ballaariyo si  Al-Shabaab looga ciribtiro guud ahaan gobolka.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xoojiyay dhaq-dhaqaaqyadooda amni, iyagoo ballan qaaday in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo xasillooni buuxda oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.

Latest stories