HomeWararHay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Muqdisho, Soomaaliya – 17 May 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad wacyigelin iyo tababar farsamo isugu jirta oo lagu xusay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah (Universal Acceptance Day), taas oo diiradda saareysa aqbalidda magacyada domain-ka, ciwaanada iimaylka ee caalamiga ah (EAI), iyo hababka barnaamijyada aan ku salaysnayn farta Laatiinka, iyadoo […]

- Advertisement -

Muqdisho, Soomaaliya – 17 May 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad wacyigelin iyo tababar farsamo isugu jirta oo lagu xusay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah (Universal Acceptance Day), taas oo diiradda saareysa aqbalidda magacyada domain-ka, ciwaanada iimaylka ee caalamiga ah (EAI), iyo hababka barnaamijyada aan ku salaysnayn farta Laatiinka, iyadoo sanadkan hal-ku-dhigga ahaa “Kobcinta Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay.”

Munaasabaddan ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo xirfadlayaal ka tirsan dowladda, hay’adaha horumarinta, bahda waxbarashada, shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, shirkadaha teknoolojiyadda, iyo urrada bulshada si ay uga wadahadlaan sida Aqbalaadda Caalamiga ah uga qayb qaadan karto dhismaha internet furan oo ay dhammaan bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideysan karaan.

- Advertisement -

Maareeye Ku-xigeenka ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Axmed Cali Salaad, oo munaasabadda furay, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay Aqbalaadda Caalamiga ah, gaar ahaan doorka ay ku leedahay hannaanka isbeddelka dhijitaalka ah ee dalkeenna iyo sidii loo heli lahaa adeegyo internet ah oo loo siman yahay. Isagoo yiri:

“Aqbalaadda Caalamiga ah waxay xaqiijineysaa in dhammaan magacyada domain-ka iyo ciwaanada iimaylka—iyadoon loo eegin far-qoraalka, luqadda ama dhererka—ay si caalami ah uga shaqeeyaan dhammaan nidaamyada internet-ka. Taasi waxay naga caawinaysaa in aan dhisno jawi dhijitaal ah oo loo siman yahay, laguna kalsoonaan karo.”

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Maamulka Furaha Internet-ka Qaranka ee hoos timaada Hay’adda, ayna taageeraysay Hay’adda Maamulka Magacyada iyo Lambarada Internet-ka (ICANN), ayaa ujeeddadeedu ahayd kor u qaadista wacyiga ku saabsan Aqbalaadda Caalamiga ah iyo xoojinta diyaar garowga farsamo ee ee lagama maarmaanka u ah ka hirgelinta dalkeenna.

Mabda’a Aqbalaadda Caalamiga ah ayaa ah in dhammaan magacyada domain-ka iyo ciwaanada iimaylka—iyadoon loo eegin luqad, far-qoraal ama dherer—si caalami ah looga aqbalo nidaamyada internet-ka ee kala duwan.

- Advertisement -

Munaasabadda ayaa ka koobnayd soo bandhigyo farsamo iyo tababarro toos ah, iyadoo diiradda lagu saaray mowduucyo ay kamid yihiin Magacyada Domain-ka ee Caalamiga ah (IDNs), Ciwaanada Iimaylka ee Caalamiga ah (EAI), iyo hababka barnaamijyada lagu diyaariyo si loo dhiso mareego iyo barnaamijyo (websites and applications) u hoggaansan heerarka Aqbalaadda Caalamiga ah.

 

 

 

 

 

 

Latest stories