HomeWararJubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya, xilli dalku wajahayo xaalad amni darro iyo qalalaase siyaasadeed oo sii kordhaya. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu muujiyay walaaca laga qabo dhismaha urur siyaasadeed cusub […]

- Advertisement -

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya, xilli dalku wajahayo xaalad amni darro iyo qalalaase siyaasadeed oo sii kordhaya.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu muujiyay walaaca laga qabo dhismaha urur siyaasadeed cusub oo lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo ka tarjumeysa isku dayyo lagu doonayo in lagu aasaaso maamul ku dhisan xukun kelitalisnimo.

- Advertisement -

“Waxaan si cad u muujinaynaa in arrintan ay muujinayso diyaar-garowga lagu doonayo in dalka lagu hoggaamiyo si aan waafaqsanayn dimoqraadiyadda iyo nidaamka dowladnimo ee lagu heshiiyay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland.

Jubbaland ayaa ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadeed, bulshada rayidka ah, iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan u istaagaan si loo badbaadiyo dowladnimada curdanka ah, loogana hortago hanjabaadaha muuqda ee ka imanaya dhinacyada doonaya in ay dalka u horseedaan qalalaase cusub.

“Haddii aan maanta wax laga qaban, rajada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeed ee muddada dheer lagu taamayay waxaa la gelinayaa halis weyn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

- Advertisement -

Sidoo kale, Jubbaland waxay fariin u dirtay beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay in ay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed waqtigan adag.

“Maanta waa maalin shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin garab istaag dhab ah. Waa in si wadajir ah looga hortagaa kooxaha doonaya in ay dalka ka leexiyaan jidka saxda ah ee dowlad dhiska iyo nabadda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka Jubbaland.

Latest stories