HomeWararGolaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa. Kulankan waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ka warbixiyey howlaha Golaha Shacabka, gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee […]

- Advertisement -

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa. Kulankan waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ka warbixiyey howlaha Golaha Shacabka, gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee u baahan in la dhammeystiro inta ka dhiman kalfadhiga lixaad.

- Advertisement -

Kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa warbixinno ka soo jeediyey guddiyadii kala duwan, iyaga oo ka hadlay shuruucda hortaala iyo habraacyada weli u baahan in la qabto. Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyey ajendeyaasha Golaha ee toddobaadka soo socda, waxaana la sameeyey jadwal rasmi ah oo ku saabsan howlahaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay si degdeg ah u wadaan hawsha Golaha, maadaama uu soo dhow yahay gabagabada kalfadhiga lixaad.

Latest stories