HomeWararXasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub

Xasan Sheekh oo Daahfuray Urur Siyaasadeed Cusub

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah u daahfuray urur siyaasadeedka cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka (Justice and Solidarity Party – JSP). Munaasabadda lagu shaaciyay ururkan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada, masuuliyiin ka […]

- Advertisement -

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay si rasmi ah u daahfuray urur siyaasadeedka cusub ee Cadaaladda iyo Wadajirka (Justice and Solidarity Party – JSP). Munaasabadda lagu shaaciyay ururkan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada, masuuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin, iyo marti sharaf kale.

Ururkan cusub ayaa si rasmi ah ugu biiraya tartanka siyaasadeed ee dalka, iyada oo shirweynihii koowaad lagu doortay hoggaanka sare ee ururka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay guddoomiyaha ururka, halka Madaxweyne Lafta Gareen ee Koonfur Galbeedna loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka ayaa sheegay in ururkooda u taagan yahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda. Waxa uu sheegay in ay doonayaan in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan cidda ay aaminsan yihiin, taas oo uu ku tilmaamay waddada kaliya ee lagu gaari karo dowladnimo dhaba.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhaliil adag u jeediyay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo uu ku eedeeyay in aysan lahayn taageero dadweyne, isaga oo ku tilmaamay “siyaasiyiin sanduuq eber ah wata”.

Latest stories